Home | Contact us | Links | Archives | Search

A tribute to Hassan Sheikh Mumin
Issue 316
Front Page
Index
Headlines

WFP Country Director Visits Somaliland

Somaliland Water & Minerals Ministry Confirms Contact With Lundin Oil Company

Frazer Made Off-Limits To The Independent Press During Somaliland visit

The Historic Meeting between the Somaliland Cross-parliamentary members and UK’s All-Party Parliamentary Group

Somaliland Foreign Minister briefs the House of Representatives

Djibouti votes amid opposition boycott

Somalia: The World's forgotten catastrophe

'No Country Deserves to Go the Somalia Way'

Africa, China's new frontier

Somaliland Mission: Taiwan-Africa Progressive Partnership

The Demise of the American Middle Class

AU elections expose Kenya's lack of clear foreign policy

Regional Affairs

Blasts in Somalia's Puntland Region Kill 20

Major increase in UNDP resources for Somaliland in 2008

Somalia Violence and Displacement Worsen

Editorial
Special Report

International News

The Mediterranean Union: Dividing the Middle East and North Africa

Hijack accused remanded for psychiatric assessment

Chavez Says Exxon Suit May Lead to Oil Cutoff to U.S.

FEATURES & COMMENTARY

The practice—and the theory

Alfred Nobel: Controversial Man, Controversial Awards

My brush with Islamic justice in Mogadishu was swift and fair

Why black history matters to us all

Regeneration: The Iraq War and British-Arab Identity in a Historical Context

Muslim rapper talks of inner conflict

Islamist target Hirsi Ali seeks French protection

Gangsters go global

Food for thought

Opinions

A Reality Check on the Governor of Awdal

The Hygiene And Sanitation Corner

SNM is a monument reflecting the triumph of the human spirit

The Presidential trip: “The Most successful event”

In response To The Funny Kulmiye

Somaliland is at the critical junction

A tribute to Hassan Sheikh Mumin


By Bashir Goth

Language fails me in trying to write a tribute to an eminent and enigmatic playwright like Hassan Sheikh Mumin. A man of unfathomable and versatile philosophy, a superbly creative and lucid style, a prophetic vision and cultural connoisseur who dived to the deepest depths of the language and adorned words with different hues and layers of meaning.

But instead of trying to capture the essence of his works and his personality in prose, a risk that I will engage in sometime in the future, I found it easier now to resort to Somali poetry, which comes as natural as drinking milk as Hassan has brilliantly expressed in his “…Afkii Qalaad ha muudin, Carrabku qaldi maayee, sidii caanaha qudhqudhiyaay.”

It is therefore, by turning to the beauty of the Somali language, a language that Hassan has fashioned and enriched through his brilliant dramas, mesmerizing melodies and masterly knowledge that I will try to describe the literary void that his departure has created.

Tixdan oo aan ka tiriyey geeridii Abwaan Xasan Sheekh Muumin waxay taataabanaysaa kaalintii suugaaneed ee uu abwaanku kaga jiray halabuurka Soomaaliyeed. Xasan wuxu ahaa tiirarka ugu waaweyn ee riwaayadyahanka Soomaaliyeed, isaga oo si gaara ugu tilmaanaa doorka uu ka qaato wacyigelinta, gaar ahaan dhiirri gelinta tacliinta iyo naqdiga aafooyinka bulshada. Wuxu ahaa nin afka ku xarragooda oo sarbeebtiisu xambaarsan tahay falsafad gundheer oo uu si farshaxanimo leh uu uga soo mullaaxdo suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Xasan wuxu ku geeriyooday magaalada Oslo, Norway, 16 January 2008, waxana lagu aasay magaalada Boorama, Somaliland, 26 January 2008.

Qudbigii suugaanta

Duniyeey qadaraleey
Qabar xumi ma oolee
Maantana qab baa dhacay
Qaylaa habeen timid
Ababshihii qoraalkiyo
Qodinkii aqoontiyo
Qudbigii suugaantiyo
Gorod baa la qaadoo
Qaddarkii haleeloo
Qalinkiisi joogsaday

Qorraxduu ahaa iyo
Qaxootiga madaw iyo
Qorfuhuu ku lee’daa
Qalbigay maroorshoo
Hiygaan ka qawdhamay

Allaylehe qod baa dhacay
Qaran baa habeensaday
Afka qiimihiisiyo
Suugaantu qurux iyo
Waxay qara lahayd iyo
Qudbigeedii baa tegey
Qalinkiyo tawaadii
Quudinaayey baa lumay

Af Soomali qurux badan
Oo qaayo loo dhilay
Far xariira lagu qoray
Qudbigii hadduu tegay
Ayaa soo qormaynoo
Sidii qayli darartiyo
Qaabil caanaheedii
Waayeel qulbaayiyo
Qudhqudhsiin dhallaankii

Murtideena qaniga ah
Sheekooyin qaydhiin
Sida aale qadaw iyo
Qooqaani roobi iyo
Qodaalkii dhulkeenii
Ku quwaystay oo baxay
Yaa qaniini oo jabin
Oo quud macaan iyo
Qumbo malab ka fuuqsani

Quruumaha wixii dhacay
Ilaa qaafo soo jiray
Taariikhda qaabka ah
Qasnadeeda yaa furi
Oo luul ka soo qubi
Ayaa dheeman qaaliyaa
Kolba meel ka soo qodi
Kuul qubatay caynkeed
Qawyada habeenkii
Kolba qaar ka soo heli

Ayaa qaaxo iyo cudur
Huuryo iyo qaniiniyo
Xumihii qarsoonee
Nin dantii quminayaa
Ku qadhaabanaayiyo
Wixii qooma aadmiga
Ee qabkiisa dhaawaca
Ayaa qeexi oo dhili
Oo sarbeeb ku kala qali

Yaa jacayl ku qaydaran
Buuraha qarkoodiyo
Qod laalay ku yaaliyo
Hulo qaabo-qawsayn
Dabayluhu qulqulayaan
Tixa loo qiyaasiyo
Qormo macallin weyn iyo
Liishaan ku soo qaban
Sida kuul qardhaasa leh
Qalanjooyin loo bogay
qoortooda soo sudhi
Qalbigooga soo luli

Inta uu Qurbaankiyo
Quraan ruuggu ducadiyo
Qaadkiyo lubaankiyo
Meerinaayo quulada

Inaguna qushuuc iyo
Hawraar u qalantiyo
Gaby qiimo weyn iyo
Aan qasiido goynoo
Dikri aan u qaadnee

Qummanow saciidiyo
Xaddiyo qalweeyoo
Beylow qaraamida
Soo qabo halkeedoo

Qalabkuu jecelaa iyo
Kamankii ha quustoo
Muusigu ha qululoo
Qaaliyada dhulkeeniyoo
Oslo qoorigeediyo
Qoomka soo koraayiyo
Qaaradaha ha gaadhoo

Codkii qaaligiiyuu
Qururxdiisa joojuu
Qajeel soo gardaadshiyo
Hibo ha ugu qaadee

Mawliidow qormeeyoo
Xadhig bilan ka qaadoo

Qabnadii warkiisiyo
Sheekadiisa qubanta
Xertii gaacidaydaay
Kaalayoo ila qalindara.

- Bashir Goth, 23 Jan. 2008.
- Email: bsogoth@yahoo.com

—————————–
Fiiro Gaara: Halabuuurka iyo fanaaniinta aan magacdooda tixda ku xusay waa dad saaxiibaday ah oo aan murti-wadaag hore lahayn iyo qaar jacaylka suugaanta iyo fanku na kulmiyey. Waxaanay kala yihiin:

1- Siciid Cabdillaahi Iimaan, waa Abwaan ku nool dalka Imaaraadka Carabta horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.

2- Daahir Maxamuud Xaddi, waa Abwaan ku nool Somaliland ahna Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, horena aan uga wada qayb galay silsiladdii Xaamiim.

3- Dr. Cabdiraxmaan Bayle, waa nin aan jeclayn in lagu tilmaamo Abwaan laakiin suugaanta curiya, ururiya oo jecel, waana dhaqaale yahan ka shaqeeya Bangiga Afrika, dhawaana wuxu tiriyey heesta Qaylo Dhaan ee uu u tiriyey tiiraanyada Calanka Soomaaliyeed haysata.

4- Axmed Xasan Caynaan (Mawliid), waa fanaan ku xeel dheer tumista kamanka, waana ninka uu Xudaydi yidhi waxan ku wareejay dhaxalkii kamanka, wuxuna ku nool yahay Imaaraadka Carabta.

5- Hibo Maxamed Hoddoon (Hibo Nuura), waa fanaanada caanka ee ku soo baxday riwaayaddii Shabeel Naagood ee Xasan Sheekh Muumin sameeyey. Hibo iyada ayaa qaaday heesaha ugu badan ee Xasan tiriyey, waxaanay ku soo kortay guriga Abwaanka yaraanteedii.

By Bashir Goth


Home | Contact us | Links | Archives | Search